Murkomen oo sheegay in qandaraasleyda ay ka maqan tahay 165 bilyan

0
311

Wasiirka wasaaradda waddooyinka iyo gaadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in qandaraasleyda ay dowladda ku leeyihiin lacag dhan 165 bilyan oo shilin.
Tani ayuu xusay in ay hoos u dhigaysa dardargelinta fulinta mashaariicda horumarineed.
Murkomen ayaa xilli uu u warramayay aqalka sare sheegay in tallaabadii meesha looga saaray hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ay xaaladda ka sii dhigaysa mid cakiran.