Ugu yaraan 316 kenyaan ah oo dalalka carbeed ku dhintay tan iyo 2002-dii

0
226

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in ka badan 316 qof oo kenyaan ah ay waddamada carabta ku dhinteen laga soo billaabo sanadkii 2002-dii.
Arrintan ayuu maanta ka hor sheegay aqalka sare ee dalka oo su’aallo lagu waydiinayay.
Waxaa uu Mudavadi hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dalalka khaliijka kala xaajoonaysa sidii ay ku wanaajin lahaayeen xaaladaha ay ku shaqeeyaan muwaadiniinta halkaasi ku sugan.
Musalia Mudavadi ayaa xusay in tiradan ay isugu jirto 166 qof oo ku geeriyooday Sacuudi Carabiya, Qatar (58), Imaaraatka (51), Ciraaq ( 25), Bahrain (10) iyo Kuwait (6).
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegay in dalalka carabta laga sameyn doono goobo hooy ah oo ay ku badbaadi karaan kenyaanka waddamadaasi ku dhibaateysan ka hor inta aan dalka dib loogu soo celin.
Musalia ayaa tilmaamay in Kenya ay ku guda jirto geeddisocodka ay ku saxiixaysa ilaa 19 heshiis oo is-afgarad ah.
Madaxa wasiirrada ee Kenya ayaa intaasi ku daray in dalalka carbeed ay ka shaqeeyaan in ka badan 416,000 qof oo kenyaan ah.
Veronica Maina oo si ku meel gaar ah u guddoominaysay fadhiga maanta ee aqalka sare ayaa wasiirka ka dalbatay inuu senate-ka la wadaago faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan macluumaadka Kenyaanka ka shaqeeya khaliijka iyo shaqooyinka ay hayaan.