Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in khasaare badan uu ka soo gaaray dad shacab ah dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Bariire, kaas oo u dhexeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kooxda Al-Shabaab, ka dib markii madaafiic lagu gaaracay halkaasi.
Tiro hoobiyeyaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafado ka tirsan tuulada Balow oo hoostagta Bariire, waxaana ku dhammaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Ku dhowaad 15 qof oo rayid ah, una badan dad beeraley ah ayay waxyeello ka soo gaareen hoobiyeyaasha ku dhacay halkaasi, kuwaas oo dhaawacyadooda la keenay Muqdisho.
Labo ka mid ah dhaawacyada la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa isbitaalka ku geeriyooday, halka kuwa kale haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.
Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira dad isku qoys ah, sida carruur iyo waalidkood.
Aabe Ibraahim Siidow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 4 ka mid ah carruurtiisa ay ku dhinteen hoobiyeyaasha, halka wiil kale, hooyadiis, aabihiis iyo xaaskiisa ay dhaawac yihiin.
Ugu dambeyn, wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya, isagoona ka codsaday inay gurmad degdeg ah u fidiso, maadaama uu yahay nin beeraley ah oo aan waxba haysan.
Guddoomiyaha dhallinyarada ee gobolka Shabellada hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hoobiya dadkan waxyeeleeyay uu ka yimad dhanka Al-Shabaab.
Dhacdooyinkan ayaa ku soo laa laabtay Bariire, waxaana horay sidaan oo kale loogu laayay dad shacab ah, ka dib duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen gudaha deegaankaasi.