Barasaabka Makueni oo si joogto ah u shaqaaleysiiyay 453 macallimiin ah

0
191

Guddoomiyaha ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo Junior ayaa si joogto ah u howlgeliyay ugu yaraan 453 macallimiin ah oo wax ka dhiga fasallada tacliinta aasaasiga ee ismaamulkaasi ee (ECDE).
Barayaashan ayaa ku shaqeynayay qaab qandaraas ah.
Mutula ayaa dib u dhaca ku yimid arrintan u aaneeyay culeysyo maaliyadeed oo saameyn ku yeeshay qoondeynta mushaaraadka iyo gunnooyinka.