Wakiillada Kericho oo xilka ka qaaday xoghayaha ismaamulkaasi

0
176

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kericho ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay mooshin ay xilka uga xayuubiyeen xoghayaha dowlad deegaankaasi
Tani ayaa timid ka dib markii ay ku eedeeyeen xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah dastuurka ,xeerarka ismaamullada iyo karti xumo dhanka shaqada ah.
Waxaa mooshinkan golaha u gudbiyay wakiilka deegaanka hoose ee Kapsaos Paul Bii.
Siyaasigan ayaa sheegay in ay si dhow ula socdeen habdhaqanka xoghayaha ismaamulka ka dib cabashooyin dhowr ah oo ka yimid shaqaalaha iyo shacabka dowlad deegaanka Kericho.
Bii ayaa eedeymaha loo jeediyay Dr. Bor ku sheegay inuu shaqaale ka tirsan ismaamulkaasi dib u howlgeliyay isagoo aan adeegsan habraaca habboon .
Wakiilka deegaanka hoose ee Ainamoi , Cheruiyot Bett ayaa intaasi ku daray in xoghayaha uu ku lug leeyahay lacago loogu talagalay daryeelka dadkii ku waxyeelloobay shilkii Londiani oo la lunsaday.
Sidoo kale waxaa uu Dr. Bor ku eedeeyay inuu ku tagriifalay 39 milyan oo loo qoondeeyay mashruuca nadiifinta deegaannada ee dhallinyarada shaqo abuurka loogu sameeyay ee Kazi Mtaani isagoo intaasi ku daray in lacagtan ay lunsadeen shirkado lala xiriirinaya xoghayaha Kericho.