Ugu yaraan 29 qof oo lagu dilay meel u dhow Khan Younis

0
186

In ka badan 29 qof ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay meel u dhow magaalada Khan Younis ee dalka Falastiin.
Weerarka ayaa lala eegtay teendhooyin dadkan hooy u ahaa oo laga taagay bannaanka dugsi ku yaalla magaalada Abassan ee Koonfurta Qaza.
Weerarkan ayaa ah midkii afaraad ee ay militariga Israa’iil muddo afar cishe ah ay ku qaadeen dhisme dugsi.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 38,243 qof halka la dhaawacay 88,243 kale.