Taliyaha ciidamada Kenya ee la geeyay Haiti oo sheegay in guul darro aynan u furnayn

0
247

Taliyaha ciidamada booliiska ee ay dowladda Kenya gaysay waddanka Haiti ,Godfrey Otunge ayaa sheegay in guul darro aynan ahayn waddo u furan.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay ku guulaysanayaan howlgalka nabad sugidda ee Haiti.
Otunge oo markii ugu horreysay shir jaraaid qabtay tan iyo markii ciidamada Kenya halkaasi la geeyay labo toddobaad ka hor ayaa tilmaamay in iyagoo kaashanaya shacabka Haiti ay dib u soo celin doonaan nidaamkii kala dambeynta iyo xasilloonida ee dalkaasi.
Sanadkii hore ayay ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ansixiyay qaraar uu tirsigiisu yahay 2699 kaaso oo qeexaya in Haiti la geeyo howlgal nabad sugid oo ay hoggaaminaysa Kenya.
Ilaa 6 waddan oo kale ayaa howlgalkan ka qayb qaadanaya waxaana la doonaya in loogaga adkaado kooxaha abaabulan ee hubeysan ee rabshadaha ka wado waddankaasi.