Sakaja oo saxiixay miisaaniyadda sanadkan ee Nairobi

0
229

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa qalinka ku duugay xeerka lagu adeegsanaya miisaaniyad sanadeedka caasimadda dalka ee 2024/2025-ka .
Dhaqaalahan ayaa qiimo ahaan dhan 43.6 bilyan oo shilin.
Wasaaradda maaliyadda ee ismaamulka Nairobi ayaa qorsheynaysa in ay 20.6 bilyan oo shilin oo miisaaniyadeeda ka mid ah ay ka hesho ilo maxalli ah halka 22.5 bilyan ay ka helaysa ilo khaariji ama dibadeed.
Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa dhanka kale shaacisay in sanad maaliyadeedkan aan la kordhin doonin lacagaha iyo qarashaadka adeegyada kala duwan.
Sakaja ayaa xusay in maamulkiisa uu diiradda saari doono uruurinta dakhli dheeraad ah iyadoo la xaqiijinaya in ganacsatada ay u hoggaansamaan xeerarka leesimada.
Go’aankan ayaa ah mid shacabka Nairobi looga dulqaadaya culeysyada maaliyadeed iyadoo dhanka kale la maalgelinaya mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah.
Wasiirka maaliyadda ee ismaamulka Nairobi Charles Kerich ayaa sheegay in 287 milyan loo qoondeeyay dhameystirka maamul dagmeedka , deegaannada iyo xafiisyada deegaannada hoose.
Kerich ayaa xusay in tallaabadan looga gol-leeyahay wanaajinta bixinta adeegyada shacabka guud ahaan caasimadda dalka.
Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa adeegyada caafimaadka ee aan daawooyinka ahayn u qoondeysay 200 oo milyan oo shilin.
Lacag dhan hal bilyan oo shilin waxaa loogu talagalay dhisidda , dayactirka iyo qalabeynta xarumaha caafimaadka.
Fulinta mashaariicda deegaannada hoose ee Nairobi waxaa sanad maaliyadeedkan loo qoondeeyay 1.95 bilyan oo shilin.
Mashaariicdan ayaa xoogga saari doono kaabayaasha maxalliga sida waddooyinka , hannaanka biyo mareennada iyo tasiilaadka dadweynaha.
Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi waxay dhanka kale 800 oo milyan oo shilin u qoondeysay barnaamijka quudinta ardayda ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa aasaasiga.
Waxaa tani ka faa’iidaysan doono qiyaastii 310,000 oo arday ah sida laga soo xigtay wasiirka maaliyadda ee Nairobi Charles Kerich.
Waxaa 838 milyan oo shilin loo qoondeeyay in geedo la abuuro , mashaariicda qurxinta caasimadda iyo dhameystirka seerayaasha iyo jardiinooyinka.
Sakaja ayaa sidoo kale 120 milyan oo shilin u qoondeeyay dhisidda xarumaha dab damiska ee Kangemi, Jamhuri iyo Gikomba.