Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee maanta ku jarmaaday Xaafadda Dab damiska ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka wadaan fulinta amar dhulkan looga saarayo dadka deggan.
Waxaa la soo warinaya in halkaasi ay ciidamada ka billaabeen burburinta gurayaha ku yaalla Xaafada Dab damiska oo ay u adeegsanayaan gawaarida guryaha burburisa, iyadoo sidoo kale ay jiraan qoysas badan oo halkaasi isaga barakacaya.
Waxaa xiran dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee u dhow Xaafadda Dab Damiska, waxaana jirto in meelaha qaar dadka xitaa loo diiday inay maraan ama u dhawaadaan iyaga oo lugeynaya.
Qaar ka mid ah dadka deggan xaafadaasi ayaa tallaabadan burburinta ah ay kula jarmaadeen ciidanka dowladda ku tilmaamay wax laga xumaado, iyagoona ku hanjabay inaysan ka tagi doonin dhulkan ay ku haysato dowladda.
Tallaabadan ay saaka qaadeen ciidanka dowladda ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo muddo dheer ay soo taagneyd qorshaha dowladda ay ku dooneyso in dhulkaasi ay ka rarto dadka degganaa, maadama ay dowladdu u baahan tahay.
La soco wixii ku soo kordha qodobkan.
Home Wararka Soomaaliya Ciidanka dowladda oo burburin ku billaabay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho