DHAGEYSO:Qoyska wiil ay ku dhaceen 11 rasaas ah oo dowladda baaq u diray

0
395

Waxaa xaalad adag wajahaya qoyska wiil 14 sano jir ah oo dhigta fasalka koowaad ee dugsiga sare oo intii ay socdeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda ay ku dhaceen 11 xabbo oo rasaas ah.
Qoyskan oo ku nool ismaamulka Nakuru ayaa hoosta ka xarriiqay in sida ay dhakhaatiirta u sheegeen ay ilaa 5 rasaas ah weli ku jirto jirka wiilka.
Saraakiisha caafimaadka ayaa ku wargeliyay in ay khatar tahay in rasaasta hartay laga soo saaro jirkiisa.
Hooyada wiilkan dhashay oo lagu magacaabo Caroline Chepkoech ayaa xustay in ay culeys kala kulmayaan bixinta qarashaadka caafimaadka.
Waxay dowladda ugu baaqday in ay ka dhabeyso ballanqaadkii ahaa in ay taageeri doonto qoysaska dadkii ku waxyeeloobay mudaaharaadyada.

Wiilka yar ayaa dhankiisa ka warramay sida ay wax u dhaceen.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay beerta Uhuru Park ee ismaamulka Nairobi munaasabad baroordiiq ah loogu sameeyay dadkii ku dhintay dibadbaxyada.
In kastoo dowladda dhexe ay tirada dadka dhintay ku sheegtay 25 qof hadana hay’adaha u ololeeya xuquuqul aadanaha ayaa dhankooda sheegay in la dilay ilaa 41 qof.