Koome oo sheegay in Haiti ay Kenya ka codsatay booliis dheeraad ah

0
183

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Haiti Garry Conille uu dowladda Kenya ka codsaday in ay waddankaasi gayso ciidamo dheeraad oo booliiskeeda ka mid ah.
Codsigan ayuu mas’uulkan u gudbiyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC.
Tani ayaa imaanaysa labo toddobaad un ka dib markii ay Kenya waddanka Haiti u dirtay 200 oo sarkaal oo ka mid ah 400 oo uu tababar u soo idlaaday ka hor inta aynan halkaasi ka howlgelin.
Koome ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Haiti uu rajo wanaagsan ka muujiyay in saraakiisha dheeraadka ah haddii dalkaasi la geeyo oo ay ku biiraan howlgalka nabadsugidda ee (MSS) in ay xakameyn karaan burcadda abaabulan ee gaysanaysa rabshadaha.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii qaramada midoobay ay ansixisay howlgalka nabad sugidda ee Haiti si looga adkaado burcadda.
Waxaa la filayaa in ciidamada Kenya ay ku biiraan saraakiil ka socdo ugu yaraan 6 waddan oo kale oo howlgalkan qayb ka ah.