In ka badan 27 qof oo lagu dilay Qaza

0
255

Ugu yaraan 27 qof ayaa waxaa lagu dilay Qaza oo ay ciidamada militariga ee Israa’iil ay weli duqeymo ka wadaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo duqeymaha Israa’iil ee Qaza ee soo billowday 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ay galeen bishii Tobnaad.
Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa laga soo xigtay in Israa’iil ay bartilmaameedsatay guri la deggan yahay oo ku yaalla xaafadda al-Zawayda ee Bartamaha Qaza.
Waxaa halkaasi lagu dilay 6 qof oo labo ka mid ah ay carruur yihiin.
Tani ayaa timid hal maalin un ka dib markii ugu yaraan 16 qof lagu dilay halka dhowr kalena lagu dhaawacay weerar lala eegtay dugsi ay maamusho qaramada midoobay oo ay dhigtaan caruurta barakacayaasha Falastiin.