Siaya:Waayeel xaaskiisa u dilay 30 shilin

0
313

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Siaya ayaa sheegay in nin 60 sano jir ah uu tooriyeeyay xaaskiisa ka dibna ay geeriyootay.
Waxaa uu sidoo kale dhaawacay wiilkiisa oo 24 sano jir ah.
Tani ayaa timid ka dib muran ka dhashay 30 shilin.
Laamaha ammaanka ayaa intaasi ku daray in shacabka oo falkaasi ka carooday ay ugu danbeyn dileen eedeysanaha.