La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha oo difaacay guddi la magacaabay

0
295

David Ndii oo ah la-taliyaha madaxweynaha dalka William Ruto ee arrimaha dhaqaalaha ayaa difaacay tallaabada lagu magacaabay guddiga baaritaannada ku sameynaya deymaha waddanka lagu leeyahay.
Ndii ayaa ka jawaabayay walaac arrintan ka dhashay .
Tani ayaa timid ka dib markii ururka qareennada dalka ee LSK uu sheegay in ay sharci darro tahay in madaxweynaha uu guddi u saaro in baaritaan lagu sameeyo deymaha lagu leeyahay Kenya.
Madaxa fulinta ee ururka LSK Florence Muturi ayaa sheegtay in go’aanka madaxweynaha uu faragelinaya xafiiska hanti dhowraha dalka Nancy Gathungu .
Hasa ahaate, David Ndii ayaa sheegay in xafiiskan uunan baaritaano madax bannaan isku sameyn karin.
Sidoo kale Florence Muturi ayaa madaxa LSK Faith Odhiambo u diiday in ay ka qayb qaadato howlaha guddiga la magacaabay oo ay xubin ka tahay.