Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay degmada Luuq laguna gubay

0
697

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan dagaal beeleed uu ka soo cusboonaaday gudaha degmada Luuq ee gobolkaasi, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeed.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa shalay ka qarxay bartamaha magaalada, waxaana ilaa iyo hadda dhaqdhaqaaqyo laga dareemayaa gudaha magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka billowday labo askari oo ka mid ahaa ciidamada deegaanka kuwaas oo murmay, iyada oo goobta lagu dilay mid ka mid ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Ugaas Cabdirashiid Ugaas Billow Ugaas Xandulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa laanta afka soomaaliga ee VOA-da uga warramay sida ay wax u dhaceen.
Waxaa uu sheegay in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo mid ay tahay haweeney, sidoo kale la dhaawacay 3 kale.
Waxaa uu tilmaamay in la gubay suuqii weynaa ee degmada iyo kaam barakac oo ku yaalla halkaasi, ka dib markii ay faraha ka baxday xaaladda guud.
Dhanka kale, waxaa uu xusay in dagaalkan ka hor degmada Luuq ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay muran ka dhashay dhul ku yaalla degmadaasi oo ay isku qabsadeen 3 beelood.
Ugu dambeyn, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Billow ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada isku haya degmada Luuq, isagoo ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, ayna wada hadlaan.
Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana is hor fadhiya maleeshiyaadka dagaalamay, iyadoo aynan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo iyo kan Jubbaland.