Dowladda oo sheegtay in dibadbaxyada aynan saameyn howlaha dalxiiska

0
264

Wasiirka wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta ee dalka Dr.Alfred Mutua ayaa xaqiijiyay in kastoo ay dibadbaxyo dhaceen in haddana ay jiraan dalxiisayaal badan oo waddanka imaanaya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay dhaqangelinaysa tallaabooyin iyo siyaasado lagu xaqiijinaya badqabka dalxiisayaasha iyo kobaca waaxdan.
Hasa ahaate, Dr. Alfred Mutua ayaa tilmaamay in haddii aan mudaaharaadyada la xakameyn oo ay sii socdaan in ay saameyn ku yeelan karaan waaxda dalxiiska ee waddanka.
Sanadkii 2023-kii, waxaa howlaha dalxiiska dowladda uga soo xarooday dakhli dhan 353 bilyan oo shilin.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhaqaalahan sanadkiiba la gaarsiiyo 700 bilyan oo shilin.
Alfred Mutua ayaa sheegay in ay daneynayaan in sanadkan ay Kenya imaadaan ilaa 3 milyan oo dalxiisayaal halka sanadkii hore la diiwaangeliyay 2 milyan.