Ku xigeenka madaxweynaha waddanka Rigathi Gachagua ayaa dhallinyarada ku boorriyay in ay soo afjaraan mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay da’yarta wacad ku mareen in ay dibadbaxyada sii wadi doonaan.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii mudaaharaadyada la joojiyo ay ciidamada ammaanka u fududaanaysa in ay la tacaalaan kooxo uu ku tilmaamay dambiilayaal gaysanaya burburin hantiyadeed.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Laikipia ayuu Mr. Gachagua codsaday in madaxweynaha dalka William Ruto fursad loo siiyo inuu dhallinyarada kala hadlo xallinta tabashooyinkooda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabadii lagu hakiyay ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ay muujisay in hoggaamiyaha qaranka uu diyaar u yahay inuu da’yarta dhageysto.
Dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda oo markii hore ku soo billowday diidmada hindise sharciyeedka maaliyadda ee uu baarlamaanka ansixiyay balse uunan madaxweynaha qalinka ku duugin ayaa maalmihii ugu dambeeyay isku beddelay kuwo lagu dalbanaya in William Ruto uu xafiiska banneeyo.
Home Wararka Kenya Madaxweyne ku xigeenka dalka oo dhallinyarada ugu baaqay in ay joojiyaan dibadbaxyada