Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay in daaweyn lacag la’aan ah ay heleen dadka ku dhaawacmay dibadbaxyada

0
328

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay in dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda si lacag la’aan ah loo daaweeyay.
Nakhumicha ayaa barteeda rasmiga ee X ku sheegtay in la daaweeyay 294 qof oo badankoodu aynan wax qarash ah bixin.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dadkan ay isugu jiraan 235 ruux oo isbitaallada laga saaray , 58 weli la daryeelaya iyadoo hal qof uu ku jiro qaybta xaaladaha degdegga ah ee ICU-da.
Waxay intaasi ku dartay in saddex qof ay weli sugayaan in qalliin lagu sameeyo.
Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka war qabto in qaar ka mid ah kenyaanka ay dadka ku dhaawacmay dibadbaxyada iyo qoysaska kuwa la dilay lacago ugu uruurinayaan adeegga loo yaqaano M-Changa.