Madaxweynaha Mauritania oo dib loo doortay

0
183

Waxaa markii labaad xilka madaxweynenimo ee dalka Mauritania loo doortay Maxamad Ould Cheikh El Ghazouani.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddiga madaxa bannaan ee arrimaha doorashooyinka ee waddankaasi ee (CENI).
Ghazouani oo 67 sano jir ah ayaa helay boqolkiiba 56.12 ee codadka la dhiibtay ee wareeggi koowaad ee codeynta.
Waxaa uu loolanka uga adkaaday Biram Dah Abeid oo helay boqolkiiiba 22.10 ee codadka balse sheegay in uunan aqoonsan doonin natiijada uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka oo uu ku tilmaamay mid ay dowladdu faragelisay.
Doorashada Sabtidii ka dhacday Mauritania ayaa waxaa u soo baxay boqolkiiba 55.39 ee codbixiyeyaasha .