DHAGEYSO:Garissa oo lagu daahfuray barnaamijka xoojinta adkeysiga , nafaqada iyo helidda cunnada

0
178

Barasaabka ismaamulka Garissa Nathif Jaamac Aadan ayaa daahfuray Barnaamijka Xoojinta Adkeysiga , helidda Cunnada iyo Nafaqada Geeska Afrika ee (BREFONS) oo uu maalgeliyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Barnaamijka oo soconaya ilaa sanadka 2027-da ayaa waxaa fulinaya waaxda dowladda sare u qaabilsan beeraha iyo xannaanada xoolaha iyo waaxda arrimaha beeraha ee dowlad deegaanka Garissa.
Barasaabka Garissa oo ka hadlay xaflad maanta la qabtay ayaa sheegay in barnaamijkan u yahay mid aad loogu bahnaa.