Dowladda oo shacabka u xaqiijisay helidda adeegyo caafimaad oo tayo leh

0
196

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka u sheegay in barnaamijka caafimaadka guud ee UHC looga gol-leeyahay in dadweynaha ay si lacag la’aan ah ku helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Ruto ayaa xilli uu wasaaradda caafimaadka ka guddoomay warbixin ku saabsan daahfurka qorshahan tilmaamay in xanuunnada barnaamijkan lagula tacaali doono ay ka mid yihiin kuwo halista ah sida kansarka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in UHC ay ka mid tahay ballan qaadyadii ugu waawayna ee maamulka talada dalka haya ee Kenya Kwanza ee ay dowladdu doonaysa inay si buuxda u dhaqangeliso.
Hoggaamiyaha waddanka ayaa laga soo xigtay in maamulkiisa uu aasaasay ilaa saddex sanduuq oo bixinaya qarashaadka barnaamijkan.
Sanduuqyadan ayaa kala ah daryeelka caafimaadka aasaasiga ah , caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF iyo sanduuqa xaaladaha degdegga ah iyo xanuunnada raaga.
Madaxweyne William Ruto ayaa horay muwaadiniinta ugu boorriyay in ay isku diiwaangeliyaan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHIF oo lagu beddelaya NHIF.