DHAGEYSO:Baaqyada ku aaddan in madaxweynaha uunan saxiixin hindise sharciyeedka maaliyadda oo isa soo taraya

0
497

Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya madaxweynaha dalka William Ruto ee la xiriira in uunan ku degdegin ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 ee uu shalay galab baarlamaanka meel mariyay.
Nidaamkan ayaa haddii uu madaxweynaha qalinka ku duugo waxaa uu noqonaya sharci dhaqan galo.
Axmadnaasir Cabdullahi oo ka mid ah garyaqaannada sare ee waddanka iyo barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa baaqan u diray hoggaamiyaha dalka.
Sidoo kale, xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU,Francis Atwoli ayaa madaxweynaha dalka William Ruto kula taliyay in uunan ansixin hindise sharciyeedka maaliyadda.
Waxaa uu u soo jeediyay inuu guddi u saaro inuu booqdo ismaamullada kala duwan si dadweynaha ay arrinkan uga ra’yi dhiibtaan.