Raila Odinga oo madaxweynaha ugu baaqay in uunan saxiixin hindise sharciyeedka maaliyadda

0
374

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku boorriyay inuunan ku degdegin saxiixidda hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 ee uu shalay baarlamaanka ansixiyay.
Raila ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay in dowladdu ay dhageysato oo ay wax ka qabato tabashooyinka shacabka.
Waxaa uu cambaareeyay awoodii xad-dhaafka ahayd ee ay ciidamada ammaanka u adeegsadeen dibadbaxayaasha ee lagu toogtay shakhsiyaad dhowr ah halka kuwo kalena lagu dhaawacay.