Madaxweynaha dalka oo dibadbaxyadii shalay ku tilmaamay qaran dumin

0
307

Madaxweynaha dalka William Ruto oo xalay fiidkii khudbad jeediyay ayaa dibadbaxyadii shalay waddanka ka dhacay ee looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ku tilmaamay qaran dumin.
Waxaa uu wacad ku maray in dowladdu ay falcelin adag ka bixin doonto tallaabadii lagu weeraray xarumaha sida baarlamaanka dalka.
William Ruto ayaa xusay in rabshadihii dhacay ay ka dambeeyeen oo ayna maalgeliyeen shakhsiyaad uunan magacaabin balse uu sheegay in ay doonayaan waxyeelleynta xasilloonida waddanka.
Madaxweynaha ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga dalka .
Hoggaamiyaha dalka ayaa digniin adag u diray cid kasta oo soo qaban qaabisa ama maalgelisa shaqaaqooyinka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale uu wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in ciidamada militariga la howlgelinaya si ay garab u siiyaan saraakiisha booliiska ee la tacaalaya mudaaharaadyada.