Biden oo Kenya u aqoonsaday saaxiib aan ka tirsanayn NATO

0
404

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Kenya si rasmi ah ugu aqoonsaday saaxiib muhiim ah oo aan xubin ka ahayn gaashaanbuurta NATO.
Aqoonsiga (MNNA) ayay dowladda Maraykanka siisaa dalalka uu kala dhexeeya xiriirka shaqo ee istaraatiijiga ah ee aan ka tirsanayn NATO.
Biden ayaa qoraal arrinkan ku aaddan la wadaagay xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony John Blinken si uu aqoonsiga la siiyay Kenya ugu soo daro diiwaanka federaalka.
Tani ayaa imaanaysa ka dib safarkii rasmiga ahaa ee uu madaxweynaha dalka Kenya Willliam Ruto bishii hore ku tagay Maraykanka.