LSK oo walaac ka muujisay dhallinyaro la sheegay in la afduubtay

0
284

Ururka ay ku mideysan yihiin garyaqaannada waddanka ee LSK ayaa walaac ka muujiyay tallaabooyinka lagu xiro shakhsiyaadka ka qayb qaadanaya dibadbaxyada ama lagu tuhmaya in ay mudaaharaadyada soo qaban qaabinayaan.
LSK ayaa bayaan ku sheegtay in ay heshay warbixin ah in la afduubtay Dr. Salim Ishmael iyo Mr. Shadrack Kiprono oo loo yaqaano Shad Khalif.
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in sidoo kale dad aan weli haybtoodu la garan ay afduubteen Gabriel Oguda iyo Osama Otero oo ka mid ah shakhsiyaadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ee wax ku soo qoro baraha bulshada.
Madaxa ururka qareennada dalka ee LSK Faith Odhiambo ayaa sheegtay in cid kasta oo qof kaxeysata iyadoo aan isa shaacin ay u aqoonsanayaan dambiilayaal.
Waxay ciidamada ammaanka ku boorrisay in ay dhacdooyinkan baaritaano ku sameeyaan si loo ogaado kuwa ka dambeeya falalka afduubka ee la soo tabiyay maalmihii ugu dambeeyay
Madaxa LSK ayaa dhanka kale shacabka kula talisay in ay aad u feejignaadaan.