Xildhibaanka Koonfurta Dagoretti oo raaligelin ka bixiyay hadal uu maalmo ka hor jeediyay

0
246

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta Dagoretti ee ismaamulka Nairobi John Kiarie ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu maalmo ka hor ka sheegay baarlamaanka.
Waxaa uu xilligaasi xusay in dhallinyarada sameynaya dibadbaxyada ka dhanka ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ay faafinayaan sawirro iyo muuqaallo la farsameeyay oo aan xaqiiqada ka turjumin.
Waxaa uu hadda sheegaya in hadalkiisi uu ahaa mid aan loo baahnayn oo aan laga dheehan tixgelinta xiisadda taagan.
Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray inuu si wayn uga qoomamoonaya hadalkii uu jeediyay isagoo fahansan caradii ka dhalatay.