Maamulka isgaarsiinta dalka ee (CA) ayaa sheegay in uunan jirin qorsho lagu xiraya adeegga intarneetka.
Agaasimaha guud ee maamulkan , David Mugonyi ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay in ay soo gaareen su’aallo badan oo arrinkan la iska waydiinaya.
Waxaa uu tilmaamay inuu si shaki la’aan ah u xaqiijinaya in aynan daneynayn xiridda ama faragelinta tayada adeegga intarneetka.
David Mugonyi ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay liddi ku yihiin xuquuqda dastuuriga oo ay ka mid tahay muujinta dareenka .
Sidoo kale , waxaa uu qoraalka ku sheegay in adeegga intarneetka oo la xiro ama la farageliyo ay carqaladeynaysa isku xirka dhaqaalaha casriga ah ee sii kordhaya oo ay nolol ahaan ku tiirsan yihiin kumanaan qof oo kenyaan ah.
Agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta dalka David Mugonyi ayaa dhanka kale kenyaanka ku boorriyay in ay saaxadda dhijitaalka ah u isticmaalaan si ay is qadarin ku dheehan tahay oo waafaqsan xeerarka dalka u degsan.
Shalay ayay ahayd markii ururrada u ololeeya arrimaha bulshada , hay’adaha xuquuqul aadanaha sida Amnesty International iyo saraakiisha caafimaadka oo ka kooban ilaa 27 dalladood ay walaac ka muujiyeen in toddobaadkan la xannibi doono adeegga intarneetka.
Hasa ahaate,maamulka isgaarsiinta dalka ee CA ayaa ugu dambeyn cadeeyay in dowladdu aynan lahayn qorsho noocani ah.