DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ballan qaaday inuu la hadli doono dhallinyarada

0
286

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ballan qaaday inuu dhallinyarada sameynaya dibadbaxyada ka dhanka ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 uu kala hadli doono xallinta tabashooyinkooda.
Xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galayay magaalada Nyahururu ee ismaamulka Laikipia ayuu hoggaamiyaha qaranka hoosta ka xarriiqay inuu ku faanaya sida dhallinyarada ay si wayn ugu soo baxeen adeegsiga xaqooda dimuqraadiyadeed.
Waxaa uu ku bogaadiyay in ay si nabad ah u muujiyeen walaaca ay ka qabaan qorshaha maaliyadda ee dowladda oo ayna u istaageen arrin qaran.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu dhallinyarada la kaashan doono sidii qaranka loo sii wanaajin lahaa.
Ruto ayaa arrin dhiirrigelinteeda leh ku sheegay in da’yarta ay muujiyeen geesinnimo iyo midnimo iyagoo aan qaab qabyaaladeed ku kala qaybsamin.