Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa wasiirrada oo la xiray

0
411

Waxaa xabsiga loo taxaabay eedeysanayaal uu ka mid yahay wariye hore ahna agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa wasiirrada dalka sidoo kalena ah wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi , Salim Swaleh .
Xoghayaha isgaarsiinta istaraatiijiga ah ee xafiiska Mudavadi Peter Warutere, ayaa bayaan ku sheegay in shakhsiyaadkan lala xiriirinaya khiyaano la soo tabiyay.
Waxaa uu xusay in ay wajahayaan eedeymo ay ka mid yihiin ku tagriifal awoodeed.
Waxaa bayaanka ku cad in howlgalka laga sameeyay xafiiska madaxa wasiirrada ee aagga Railways ka dib markii la helay xog ah in halkaasi ay ku sugan yihiin dad khiyaano sameynaya.
Baaritaannada ayaa lagu ogaaday in shakhsiyaadkan ay taariikhyo kala duwan tageen xafiiska madaxa wasiirrada dalka iyagoo iska dhigaya marti aad muhiim u ah.
Waxay si gaar ah u bartilmaameedsanayeen ajaaniib ay u sheegayaan in ay la kulansiinayaan oo ay danahooda uga dhameynayaan saraakiil sare oo ka tirsan dowladda ka dibna ay sidaasi laaluush uga qaadanayeen.
Peter Warutere, ayaa bayaanka ku sheegay in baaritaannada lagu ogaaday in ay jiraan saraakiil dowladeed oo qorshahan garab siinaya .
Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa wasiirrada dalka Salim Swaleh ayaa la xiray ka dib markii dadka lagu daba jiray lagu arkay gudaha xafiiskiisa iyagoo sita aqoonsi shaqo oo been abuur ah.