Afhayeenka dowladda dhexe Issac Mwaura ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay dowladdu u go’aansatay in canshuur dheeraad ah lagu soo rogo badeecooyinka iyagoo dhameystiran laga soo iibsado dalka dibadiisa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada arrinkan laga leeyahay ay tahay in fursad la siiyo wax soo saarka maxalliga ah si ay kenyaanka shaqo abuur ugu noqoto.
Mwaura ayaa tilmaamay in qofka doonaya inuu badeecad tusaale xafaayad ka soo dejiyo dalka dibadiisa ay ku adkaan doonto bixinta canshuurta taasi oo shirkadaha shisheeye ku dhiirigelin doonto in ay badeecooyinka ku sameeyaan gudaha Kenya.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowladda oo faahfaahisay canshuurta la saaraya badeecooyinka laga keeno dibadda