Israa’iil oo u yeertay danjiraha halkaasi ku matalo Armenia

0
564

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegay in loo yeeray danjiraha dowladda Armenia halkaasi ku matalo Ambasadoor Arman Hakobyan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Armenia aqoonsatay qarannimada Falastiin.
Waxay dowladda Armenia intaasi ku dartay in ay taageersan tahay qaraarkii qaramada midoobay ee lagu dalbanayay in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho Qaza.
Bishii hore ayay ahayd markii Ireland, Norway iyo Spain ay aqoonsadeen in Falastiin ay tahay dowlad madax bannaan.