DHAGEYSO:Rw Rooble oo soo dhaweeyay inuu hoggaamiyo howlaha doorashada iyo amnigeeda

0
417

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo xalay shacabka la hadlay ka dib go’aankii shalay ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka ayaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadnaqay in xukuumadiisa lagu soo wareejiyo hoggaaminta hawlaha doorashooyinka iyo amniga.

Waxaa uu sheegay in xukuumaddu ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawlgali doonto qorsheyaasha doorashooyinka iyo amniga, kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu howshaas ku wareejiyay.