Maraykanka oo soo dhaweeyay tallaabada MD Farmaajo iyo baarlamaanka

0
504

Qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayey ku soo dhoweysay go’aannadii madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxaan soo dhaweyneynaa ficillada maanta ay qaadeen madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka.”
Waxay sidoo kale soo dhoweysay doorka ra’iisal wasaare Rooble uu ku hirgelinayo doorashada Soomaaliya.
“Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa doorka ra’iisal wasaare Rooble uu ku leedahay hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.”