Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in kenyaanka ay xaq dimuqraadi ah u leeyihiin in ay sameeyaan dibadbaxyo ka dhan ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Hasa ahaate, waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamullada kala duwan ay xor u yihiin go’aammada ay qaadanayaan ee ku aaddan mudaaharaadyada.
Waxaa uu intaasi ku daray in golaha fulinta ee dowladda iyo baarlamaanka ay ka wada shaqeeyaan sidii loo qaadan lahaa go’aammo ay waddanka dani ugu jirto.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo lagu wado in xildhibaannada baarlamaanka ay maanta billabaan in ay u codeeyaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee muranka dhaliyay.
In kastoo ay dowladdu sheegtay in laga laabtay qaar ka mid ah soo jeedinnadi canshuurta ee ay kenyaanka saluugeen haddana siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa ku adkeysanaya in ay si wayn uga soo horjeedsan doonaan meel marinta qorshahan .