Madaxa waaxda cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in la qaadaya tallaabooyin degdeg ah oo lagu sugaya amniga maxkamadaha waddanka oo lagu xaqiijinaya badqabka xaakinnada iyo shaqaalaha kale.
Arrintan ayay ka sheegtay munaasabad gaar ah oo lagu qabtay maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi halkaasi oo loogu baroordiiqayay garsoore Monica Kivuti oo la toogtay Khamiistii hore.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dhacdadaasi ay muujisay tabashooyin dhanka amniga ah oo ay muddo dheer qabtay laanta cadaaladda ee dalka.
Koome ayaa sheegtay in ay sameyn doonaan wax kasta oo karaankooda ah si mar kale aan waxyeello loo gaarsiin garsoore.
Waxay tilmaantay in dilka garsooraha uu yahay weerar aan horay loo arag oo ka dhan ah madax bannaanida waaxda cadaaladda iyo mabaadi’ida dastuuriga ah.
Martha Koome ayaa intaasi ku dartay in ay baarlamaanka iyo golaha fulinta ee dowladda la kaashanayaan sidii kheyraad dheeraad ah loogu qoondeyn lahaa dhaqangelinta talooyin la soo jeediyay oo la xiriira amniga garsoorka.
Waxay carrabka ku adkeysay in geerida Monica Kivuti ay ka mid tahay xilliyada ugu adag ee soo maray taariikhda hannaanka cadaaladeed ee dalka.
Garsoorayaasha iyo howlwadeennada kale ee maxkamadaha ayay u sheegtay in ay muddo qaadan karto in ay ka soo kabtaan saameynta toogashada oo ay ku tilmaantay fal wuxushnimo ah balse looga baahan yahay adkeysi.
Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka ayaa sheegtay in ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo xafiiska taliyaha guud ee booliiska dalka kala hadashay sidii ciidamo dheeraad ah loogu biirin lahaa qaybta booliiska garsoorka.
Sidoo kale waxay dadweynaha ku boorrisay in ay dowladda ka dalbadaan in laanta garsoorka qoondo muhiim ah laga siiyo miisaaniyadda.




