18 bilyan oo loo qoondeeyay shaqaaleysiinta macallimiinta JSS

0
338

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in lacag dhan 18 bilyan oo shilin loo qoondeeyay in si joogto ah loo howlgeliyo barayaasha wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee loo yaqaano JSS.
Waxaa uu xusay in sidoo kale miisaaniyad loogu talagalay in bisha soo socoto la howlgeliyo 20,000 oo ah ardayda soo bartay culuunta macallinnimada.
William Ruto ayaa tilmaamay in golaha fulinta ee dowladda iyo baarlamaanka ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo qaadan lahaa go’aammo u wanaagsan qaranka.