Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo koowda bisha Toddobaad ee July ee sanadkan si buuxda loogu wareego caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF oo looga gudbaya nidaamka NHIF.
Wasaaradda caafimaadka ayaa laga billaabo 21-ka bishan guda geli doonto diiwaangelin wadareed laga sameynaya dhammaan 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Dowladda ayaa dhammaan shacabka ku boorrisay in ay ka qayb qaataan diiwaangelinta si loogu guulaysto barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Kenyaanka ayaa caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF isku diiwaangelin kara iyagoo adeegsanaya taleefoonka gacanta , isbitaallada dowladda ama ay caawinayaan shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya daryeelka caafimaad ee CHPs oo gaaraya ilaa 100,000.
Waxay tani micnaheedu tahay in qof waliba oo muwaadin ah uu boqolkiiba 2.75 ee dakhliga soo galo ku biirin doono caymiska cusub ee caafimaadka.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay in dowladdu ay tixgelin doonto xaaladaha dhaqaale ee dadka aan shaqeyn.