MD Farmaajo oo maanta hortagaya golaha shacabka Soomaaliya

0
388

Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana muddo xileedkiisu ku ekaa 8-dii bishii Labaad ee sanadkan Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta hortaggo golaha shacabka oo uu wakhtigoodu dhammaaday.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa la filayaa in uu baarlamaanka ka codsado sidii dib loogu noqon lahaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii bishii September ee sanadkii hore, islamarkaana golaha shacabkuna aqbalaan arrintaas.
Waxaa loogu baaqay madaxweynaha wakhtigiisa dhammaaday inuu ku wareejiyo howlaha doorashooyinka ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble oo kalsooni ay ku qabaan dhammaan dhinacyada Soomaalida.