2 burcad ah oo lagu toogtay xaafadda Kawangware

0
560

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ay labo qof oo burcadnimo lagu tuhmay ay ku dileen xaafadda Kawangware ee magaalada Nairobi.
Howlgalka lagu toogtay shakhsiyaadkan ayaa yimid wax yar un markii ay weerareen qof ka mid ah shacabka ku nool xaafaddaas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in eedeysane saddexaad uu goobta ka baxsaday.
Burcaddan ayaa xilliga habeenkii dhibaateyn jiray dadweynaha Kawangware balse waxaa falcelin degdeg ah sameeyay ciidamo roondooyin ka waday goobta loo yaqaano 56.
Booliska ayaa sheegaya in labada qof ee la dilay lagu amray in ay is-dhiibaan balse ay billaabeen in ay ciidamada rasaas ku furaan taasoo keentay in ugu dambeyn laga takhaluso.
Qofka saddexaad ee baxsaday isaga oo mooto adeegsanaya ayaa hadda lagu raad joogaa.
Howlgalka ayay ciidamada sheegeen in ay ku soo heleen rasaas lagu wareejiyay saraakiisha dambi baarista ee waaxda DCI-da.
Meydadka labada la dilay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee City mortuary ee Nairobi si loo aqoonsado.