Hay’adda Laanqayrta Cas oo loogu deeqay 9.3 milyan

0
397

Hay’adda tabarucaadda ee Prudence Foundation ayaa Hay’adda Laanqayrta Cas dalka ee Kenya Red Cross ugu deeqday lacag dhan 9.3 milyan oo shilin.
Deeqadan ayaa lagu caawin doonaa qoysaska ay saameynta ka soo gaartay roobabkii xoogganaa ee da’ay iyo daadadkii ka dhashay.
Lacagtan ayaa loogu tala galay in lagu caawiyo ilaa 2,000 oo ka mid ah barakacayaasha kuwaasi oo ku nool 12 xerooyin oo ku yaalla ismaamulka Busia.