Xoghayaha Guud ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA, Cleopha Malala ayaa sheegay in ay dhawaan furi doonaan dugsi siyaasiyiinta lagu baraya hoggaanka.
Xilli uu u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu carrabka ku adkeeyay in waxyaabaha la baraya shakhsiyaadka doonaya in iyagoo adeegsanaya tikedhka UDA ay hoggaamiyaal noqdaan ay ka mid tahay in la fahansiiyo qorshaha horumarineed ee xisbiga.
Malala ayaa sheegay in xita haddii ay qofka ku qaadanaysa labo toddobaad ay qasab noqon doonto inuu machadkan shahaado ka qaato ka hor inta aan loo oggolaan inuu u tartamo jago hoggaamineed.
Waxaa uu ku celceliyay in hoggaamintu ay leedahay mabaadi’i muhiim ah oo u baahan in la barto si loogu dhaqmo.