Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kirinyaga ayaa baaraya sababta keentay dab ka kacay guri ku yaalla Bartamaha dowlad deegaankaasi oo ay ku dhinteen labo carruur ah.
Dhacdadan ayaa xalay laga soo tabiyay aagga xarunta ganacsiga ee Kagumo .
Dabka ayaa guriga qabsaday abaare 8-dii fiidnimo .
Labada canug ee ku geeriyooday ayay da’doodu ahayd 4 sano iyo 4 bilood.
Laamaha ammaanka ee Kirinyaga ayaa laga soo xigtay in markii uu dabka guriga ka kacayay ay hooyada carruurta aadday bannaanka si ay casho ugu soo iibiso.
Qaar ka mid ah shacabka Kagumo iyo John Kiama oo ka mid ah saraakiisha waaxda maareynta xaaladaha degdegga ah ee Kirinyaga ayaa dhacdadaasi uga warramay warbaahinta.