Madaxweynihii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha howlgalka kormeerka doorashooyinka ee Midowga Afrika ee (AUEOM), Uhuru Kenyatta ayaa kulamo heer sare ah ka wado magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika.
Waxaa uu qiimeynaya sida dalkaasi uu ugu diyaar garoobay qabsoomidda doorashada guud ee la qorsheeyay in ay dhacdo Arbacada.
Kenyatta ayaa la kulmay saraakiisha sare ee guddiga doorashooyinka ee Koonfur Afrika oo uu hoggaaminaya guddoomiyahooda Mosotho Moepya.
Guddiga ayaa faahfaahin dhameystiran ka bixiyay qaabka uu isugu diyaariyay maareynta doorashada guud ee Koonfur Afrika.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ayuu Uhuru Kenyatta ku sheegay in ay halkaasi u tageen in ay kormeeraan qaabka ay shacabka Koonfur Afrika u adeegsanayaan xaqooda dimuqraadiga ah oo ay u muujinayaan rabitaankooda.