Dowladda oo sheegtay in 10,000 oo shilin la siiyay 25 kun oo ah qoysaskii ay saameeyeen daadadka

0
130

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in ay min 10,000 oo shilin siisay 25,000 oo ah qoysas ay saameyn ku yeesheen daadadkii ka dhashay roobabkii wadanka ka da’ay.
Waxaa amarkan horay u bixiyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa bayaan ku sheegay in 15,000 oo kale oo ah qoysas laga daadgureeyay meelaha u dhow webiyada Nairobi ay lacagaha loogu tala galay heli doonaan maalinka Jimcada ee toddobaadkan.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda ay tixgelin doonto in qoysaska daadadka ku barakacay mudnaan lagu siiyo Barnaamijka guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo.
Kindiki ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay billowday geeddisocodka lagu wanaajinaya biyaqabadka hareeraha webiyada Nairobi iyadoo ay ka go’an tahay in goobahan ay si buuxda ula wareegto.
Waxaa uu tilmaamay in si looga hor tago in dhulalkan la boobo ay dowladdu xayndaab u sameynaysa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in goobahan lagu abuuri doono geedo iyo in laga hirgeliyo jardiinooyin ay si lacag la’aan ah dadweynaha u adeegsan karaan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhawaan la billaabo in la furo hannaanka biyo mareennada ee webiyada.
Dowladda dalka ayaa bishan Shanaad ee May , cid kasta oo deggan meel ilaa 30 mitir u jirta webiyada iyo goobaha biyo qabadka ah ku amartay in ay halkaasi ka guurto iyadoo qoysaskii amarkan dafirayna si qasab ah loo daadgureeyay si loo xaqiijiyo badqabkooda.