DHAGEYSO:Dowladda oo sheegtay in waxyaabo badan laga soo faa’iiday safarkii madaxweynaha ee Maraykanka

0
227

Afhayeenka dowladda dhexe ,Issac Mwaura ayaa sheegay in Kenya ay faa’iidooyin badan ka heshay safarkii afarta cishe ahaa ee uu madaxweynaha dalka William Ruto dhawaan ku tagay Maraykanka.
Mwaura ayaa sheegay in hoggaamiyaha dalka uu qaranka u soo saxiixay heshiisyo maalgashi oo ah ilaa hal tiriliyoon oo shilin.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in dowladda Maraykanka ay wasaaradda warfaafinta, isgaariinta , tiknolojiyadda iyo dhaqaalaha casriga ah ay u qoondeysay 3.2 bilyan oo shilin.
Sidoo kale , Issac Mwaura ayaa carrabka ku adkeeyay in Maraykanka uu Kenya ugu deeqaya 16 ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helikobtarka oo loo adeegsan doono arrimaha amniga iyo ka falcelinta musiibooyinka.
Waxaa uu xusay in uunan xoogga saarayn qarashkii ku baxay diyaaraddi uu madaxweynaha ku safray balse uu doonaya in Kenyaanka ay si qoto dheer u eegaan waxyaabaha socdaalkaasi laga faa’iidaya.
Mwaura ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanka uu barnaamijyada dimuqraadiyadda iyo maamulka ee dalka ku bixinaya ilaa 40 milyan oo doollar.
Sidoo kale 700,000 oo doollar ayaa lagu maalgelinaya dhaqangelinta xeerka faa’iidada ururrada rayidka ee uu dhawaan madaxweynaha dalka saxiixay.
Afhayeenka dowladda dhexe , Issac Mwaura ayaa sheegay in Kenya ay shirkadda soo saarta cabitaannada ee Coca-Cola ay la saxiixatay heshiis ku kacaya 11.8 bilyan oo shilin oo ay shirkaddu muddo shan sano ah ku ballaarinaysa howlaheeda.
Tani ayuu tilmaamay in ay abuuri doonto ilaa 3,000 oo fursado shaqo ah.
Xilli uu ka hadlayay safarkii madaxweynaha dalka William Ruto uu ku tagay Maraykanka ayuu afhayeenka dowladda sare , Issac Mwaura yiri.