Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhulgariirkii ku dhuftay jasiirada Sulawesi ee dalka Indonesia.
Dhimashada ayaa hadda ah ugu yaraan 73.
In ka badan 820 qof ayaa ku dhaawacmay musiibadaas halka ugu yaraan 27,800 qof ay ku barakaceen sida laga soo xigtay afhayeenka waaxda Indonesia u qaabilsan maareynta musiibooyinka, Raditya Jati.