Dowladda Kenya ayaa shirkadda soo saarta cabitaannada ee Coca-Cola la saxiixatay heshiis ku saabsan qorsho maalgashi oo 5 sano ah.
Heshiiskan ayaa qiimo ahaan ku kacaya 22.8 bilyan oo shilin una dhiganta 175 milyan oo doollar.
Afhayeenka madaxtooyada State House , Xuseen Maxamad ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto oo ay mas’uuliyiin kale wehelinayeen uu tagay xarunta dhexe ee shirkadda Coca-Cola ee magaalada Atlanta ee gobolka Georgia oo ka tirsan Maraykanka.
Wasiiradda wasaaradda ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha ee dalka ,Rebecca Miano ayaa sheegtay in heshiiskan uu door wayn ka qaadan doono in gudaha Kenya laga abuuro fursado shaqo oo badan sidoo kalena uu kobco dhaqaalaha wadanka.
76 sano ka hor ayay ahayd markii ay shirkadda cabitaannada ee Coca-Cola ay xarunteedii ugu horreysay ka furatay Nairobi waxaana ka shaqeeya 3,000 oo qof oo kenyaan ah iyo 37,000 kale oo si dadban loo howlgeliyay.