Wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka wadatashiga xeer nidaamiyaha Adeegyada biyaha Qaranka.
Shirkaan ayaa waxaa ka Qayb galay Masuuliyiin ka kala Socotay Wasaarada Tamarta Dowlada Dhexe iyo Wasaaradaha Tamarta ee Maamul goboleedyada waxaana Diirada lagu saaray sidii guud ahaan dalka Soomaaliya lagu gaarsiin lahaa Biyo Nadiif ah.