Madaxweynaha Uganda oo maanta booqasho ku imaan doono dalka

0
405

Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni uu maanta Kenya ku soo gaaro booqasho rasmi oo saddex cishe ah.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii la soo gabagabeeyay kal-fadhiga labaad ee guddiga iskudhafka ah ee heerka wasiirrada (JMC) ee Kenya iyo Uganda oo ka dhacay magaalada Kampala.
Intii uu kulanku socday, labada dowladood ayaa ku heshiiyay dardargelinta hirgelinta qodobbada la isku afgartay ee la xiriira in sare loo qaado iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale.